Shacabka magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa maanta si weyn ugu dareeray goobaha codbixinta, iyagoo ka qeyb qaadanaya doorashada xubnaha Golaha Wakiillada iyo Golaha Deegaanka ee Hirshabeelle.
Dadweyne fara badan ayaa laga arkayay goobaha codbixinta, iyadoo shacabka ay safaf ugu jireen inay gutaan waajibaadkooda codbixineed, isla markaana ay doortaan xubnaha matalaya golayaasha kala duwan.
Doorashadan ayaa qeyb ka ah geeddi-socodka doorashooyinka ee ka socda dowlad-goboleedka Hirshabeelle, iyadoo magaalada Jalalaqsi ay kamid tahay deegaannada ay maanta ka socoto codbixintu.
Goobaha codbixinta ayaa waxaa ka muuqday dhaq-dhaqaaq ballaaran, iyadoo shacabka ay u dareereen si ay codkooda ugu dhiibtaan musharraxiinta ay u arkaan inay matali karaan danahooda iyo deegaanadooda.
Mas’uuliyiinta doorashada iyo ciidamada ammaanka ayaa iyaguna goobaha codbixinta ka wada howlo lagu xaqiijinayo habsami-u-socodka doorashada iyo amniga shacabka ka qeybgalaya codbixinta.
Natiijada doorashada iyo xubnaha ku soo baxa codbixinta ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo marka la soo gabagabeeyo tirinta codadka iyo habraacyada la xiriira xaqiijinta natiijooyinka.