U bood dhigaalka

Duqeymo Diyaaradaha Drone-ka ah oo Lagu Weeraray Ciidamo Eritrean ah oo la Sheegay inay Gudaha Itoobiya Galeen

Oktoobar 9, 2026

Diyaarado aan duuliye lahayn oo la tuhunsan yahay inay leeyihiin ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay inay duqeeyeen gaadiid ay wateen ciidamo Eritrean ah oo ku sugnaa agagaarka magaalada Adigrat, ee gobolka Tigray, sida ay sheegtay hay’adda dabagalka colaadaha ee ACLED.

Warbixinta ayaa tilmaamaysa in ciidamada Eritrea ay ka soo gudbeen xadka, iyagoo ka soo galay dhinaca deegaanka Zelambesa, ka hor inta aan la beegsan gaadiidkooda xilli ay ku sii jeedeen deegaannada Adigrat iyo Idaga Hamus. Si kastaba ha ahaatee, weli lama shaacin tirada ciidamada la beegsaday iyo khasaaraha ka dhashay duqeymaha la sheegay.

Wakaaladda wararka ee Associated Press (AP) ayaa soo xigatay taliye ka tirsan xoogagga taageera dowladda Itoobiya, kaas oo sheegay in ciidamo Eritrean ahi ay galeen magaalooyinka Adigrat iyo Idaga Hamus.

Dhanka kale, dowladda Eritrea si cad uma aysan xaqiijin in ciidamadeedu gudaha u galeen deegaannadaas, halka AP ay sheegtay inaysan si madax-bannaan u xaqiijin karin dhaqdhaqaaqa ciidamada la sheegay.

Dhacdadan ayaa imaanaysa xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha amni iyo diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea, kuwaas oo hore isaga kaashaday dagaalkii gobolka Tigray intii u dhexeysay 2020 iyo 2022.

Xariirka labada dal ayaa tan iyo markaas wajahayay khilaafaad sii kordhaya, taasoo sare u qaadaysa walaaca laga qabo in xiisaddu isu beddesho iska horimaad militari oo toos ah.

Haddii ay sii xoogeysanayaan dhaqdhaqaaqyada ciidamada iyo weerarrada la soo sheegayo, waxaa laga cabsi qabaa in gobolka Tigray uu mar kale galo xaalad amni oo cakiran, taasoo sababi karta barakac hor leh, khasaare naf iyo maalba leh iyo carqalad ku timaadda ganacsiga iyo isu-socodka dadka ee gobolka.

Dagaal toos ah oo dhex mara Itoobiya iyo Eritrea wuxuu sidoo kale saameyn ballaaran ku yeelan karaa amniga Geeska Afrika, ayadoo Itoobiyana laga yaabaa inay ku khasbanaato inay ciidamo iyo dhaqaale dheeraad ah u weeciso xuduuddeeda waqooyi, arrintaas oo saamayn ku yeelan karta mudnaanta amni iyo siyaasadeed ee ay ku leedahay gobolka, oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Ilaa hadda, faahfaahin madax-bannaan oo dhammaystiran lagama hayo khasaaraha ka dhashay duqeymaha la soo sheegay iyo xaaladda dhabta ah ee ciidamada Eritrea ee la sheegay inay gudaha u galeen gobolka Tigray.