U bood dhigaalka

Maxay Soomaalida uga Dhigantahay Doorashada Axmed Shide ee Guddoomiyaha Baarlamaanka Itoobiya?

Oktoobar 6, 2026

Axmed Shide, oo ah siyaasi Soomaali ah oo muddo dheer kasoo shaqeynayay dowladda federaalka Itoobiya, ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Shacabka ee Itoobiya, kadib markii la daah-furay Baarlamaanka cusub ee dalka.

Doorashada Axmed Shide ayaa waxaa si gaar ah u soo dhoweeyay bulshada Soomaaliyeed, maadaama uu kasoo jeedo deegaanka Soomaalida, isla markaana uu muddo dheer ku jiray siyaasadda iyo maamulka heer gobol iyo heer federaal.

Xilkan cusub wuxuu ka dhigayaa inuu hoggaamiyo aqalka hoose ee baarlamaanka Itoobiya, oo ah hay’adda ugu weyn ee sharci-dejinta dalkaas.

Axmed Shide wuxuu siyaasadda Itoobiya kasoo dhex muuqday muddo dheer, ayadoo Kahor inta uusan gaarin xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, uu soo qabtay xilal kala duwan oo dowladda federaalka ah iyo maamulka deegaanka Soomaalida ah.

Waxa uu sidoo kale xildhibaan ka ahaa Golaha Wakiillada Shacabka Itoobiya, isagoo matalayay deegaanka Soomaalida.

Sanadkii 2018 ayuu noqday Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, xilkaas oo uu hayay muddo ku dhow siddeed sano, ayadoo Intii uu wasaaradda hoggaaminayay, uu door muuqda ku lahaa siyaasadaha dhaqaalaha, maaliyadda iyo dib-u-habaynta dhaqaale ee dalka.

Khibraddaas ayaa ka dhigtay mid ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida  ee muddada dheer kasoo dhex muuqday dowladda federaalka Itoobiya.

Axmed Shide wuxuu sidoo kale leeyahay waxbarasho dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta iyo maamulka ah, wuxuuna bartay dhaqaalaha, isagoo shahaadada koowaad ka qaatay Ethiopian Civil Service College, halka uu shahaadada Master-ka ee Participation, Development and Social Change ka qaatay University of Sussex ee dalka Ingiriiska
,Waxa  uuu sidoo kale haystaa Master of Business Administration, MBA.

In qof kasoo jeeda bulshada Soomaalida loo doorto Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Shacabka Itoobiya waxay leedahay muhiimad siyaasadeed oo gaar ah

Golaha uu hadda hoggaaminayo ayaa door muhiim ah ku leh samaynta sharciyada dalka, ansixinta siyaasadaha dowladda iyo la socodka howlaha hay’adaha federaalka.

Doorashada Axmed Shide waxay sidoo kale muujinaysaa heerka uu gaarsiisan yahay ka-qaybgalka siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanka Soomaalida ee hay’adaha federaalka Itoobiya.

Inkastoo xilka uu hayo uu yahay xil federaal oo Itoobiyaan ah, haddana asal ahaan Soomaali ayuu kasoo jeedaa, taasina waxay ka dhigeysaa doorashadiisa arrin si weyn looga dareemo gudaha bulshada Soomaalida Deegaanka iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Baarlamaanka cusub ee Itoobiya ayaa 5-ta Oktoobar 2026 si rasmi ah u bilaabay xilligiisa cusub, iyadoo dalka uu galay marxalad siyaasadeed oo cusub kadib doorashadii guud.

Axmed Shide ayaa hadda wajihi doona mas’uuliyad ka duwan tii uu ku lahaa Wasaaradda Maaliyadda, waxaana shaqadiisa cusub ay ku saabsan tahay hoggaaminta fadhiyada baarlamaanka, isku-dubbaridka howlaha Golaha Wakiillada Shacabka iyo ilaalinta habsami-u-socodka shaqada sharci-dejinta.

Si kastaba ha ahaatee Axmed Shde doorashadiisu waxay  noqonaysaa dhacdo si gaar ah uga dhex muuqata taariikhda siyaasadeed ee Soomaalida deegaanka, iyadoo qof kasoo jeeda bulshada Soomaalida uu hadda hoggaaminayo mid ka mid ah hay’adaha ugu muhiimsan ee dowladda federaalka Itoobiya.