U bood dhigaalka

Aqalka Sare oo ka dooday hindise-sharciyeedka dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada

Oktoobar 14, 2026

Muqdisho, 14 Oktoobar 2026 — Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa akhrinta labaad marsiiyey hindise-sharciyeedka dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada, kaas oo muhiim u ah horumarinta adeegyada saadaasha hawada iyo xogta cimilada ee dalka.

Kulanka Kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 9-aad, waxaa shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde.

Kulanka oo ku furmay kooram dhan 28 senator, ayaa waxaa warbixin ku saabsan hindise-sharciyeedka ka jeedisay Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka Sare, Senator Saynab Ismaaciil Maxamed, iyadoo faahfaahin ka bixisay wax-ka-beddellada, sixitaannada iyo dib-u-eegista lagu sameeyey hindise-sharciyeedka.

Senatorrada ayaa intaas kaddib ka dooday qodobbada hindise-sharciyeedka, iyagoo soo bandhigay talooyin iyo aragtiyo la xiriira hagaajinta iyo dhammaystirka xeerka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Cabdirisaaq Axmed Cali, oo kulanka goobjoog ka ahaa, ayaa sidoo kale ka jawaabay su’aalo ay senatorradu ka weydiiyeen hindise-sharciyeedka.

Hindise-sharciyeedkan ayaa ujeeddadiisu tahay dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada, si loo horumariyo tayada xogta cimilada, loona xoojiyo awoodda Soomaaliya ee saadaalinta xaaladaha hawada.

Hirgelinta hay’addan ayaa muhiim u ah helitaanka xog saadaasha hawada oo la isku hallayn karo, taas oo wax ka tari karta badbaadada bulshada, qorsheynta horumarka dalka iyo ka jawaabista xaaladaha la xiriira cimilada.