DHUUSAMAREEB (Goobjoog News) — Mohamed Sheekh Axmed ayaa noqday guddoomiyaha kumeelgaarka ah ee Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Galmudug, kaddib markii maanta la dhaariyey xildhibaannada cusub ee golaha, oo ka kooban 89 xubnood.
Mohamed Sheekh Axmed ayaa xilkan ku helay inuu yahay xildhibaanka ugu da’da weyn xubnaha cusub ee baarlamaanka, taas oo u saamaxday inuu si kumeelgaar ah u hoggaamiyo golaha inta laga dooranayo guddoon rasmi ah.
Dhaarinta xildhibaannada cusub ayaa maanta ka dhacday Galmudug, iyadoo ay golaha ku jiraan 89 xubnood oo loo doortay inay matalaan bulshada deegaannada maamulkaas.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah hannaanka dhismaha hay’adaha maamulka Galmudug, iyadoo la filayo in xildhibaannadu ay doortaan guddoonka rasmiga ah ee baarlamaanka, kaas oo hoggaamin doona howlaha sharci-dejinta muddada soo socota.