Dowladda Itoobiya ayaa wada qorshe lagu ballaarinayo awoodda ciidankeeda badda, iyadoo diiradda la saarayo tayeynta tababarrada, dhismaha kaabeyaasha ciidanka iyo sameynta cutubyo gaar ah oo dagaal, si ay uga hortagto khataraha amniga una ilaaliso danaha qaranka.
Taliyaha Guud ee Ciidanka Badda Itoobiya, Ku-xigeenka Admiral Kindu Gezu, ayaa sheegay in ciidanka badda uu ku tallaabsaday horumar dhinacyada shaqaalaha, tababarrada, hubka iyo qaab-dhismeedka hay’adda, kuwaas oo uu sheegay in laga soo bilaabay meel eber ah.
Kindu Gezu oo wareysi siiyay warbaahin ay dowladda ay maamusho ayaa xusay in horumarinta ciidanka badda ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo awoodda difaaca dalka iyo ilaalinta danaha qaranka Itoobiya.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay in ballaarinta awoodaha ciidanka ay ujeeddadeedu tahay in Itoobiya ay yeelato awood ay kaga jawaabto caqabadaha amni ee soo wajaha, isla markaana ay ilaaliso danaha ay u aragto kuwo muhiim u ah qarankeeda.
Hadalka taliyaha ayaa imanaya iyadoo Itoobiya ay sii waddo horumarinta ciidankeeda badda, inkastoo dalkaasi uusan lahayn xeeb toos ah tan iyo markii Eritrea ay xornimada qaadatay sannadkii 1993-kii.
Si kastaba ha ahaatee, faahfaahinta ku saabsan tirada maraakiibta, qalabka cusub ee la qorsheynayo iyo goobaha ay ka howlgeli doonaan cutubyada gaarka ah laguma sheegin xogta la soo xigtay.
Ballaarinta ciidanka badda Itoobiya ayaa imaanaysa xilli uu gobolku wajahayo xiisado Siyaasadeed iyo kuwo amni, islamarkaana uu loolan ka dhex jiro Itoobiya oo bad raadinaysa iyo dalalka dhaca badda cas.