U bood dhigaalka

Itoobiya oo Qaramada Midoobay u Sheegtay inay Isdifaacayso, Eritrea-na ku Eedeysay inay Dhulkeeda Soo Gashay

Oktoobar 11, 2026

Dowladda Itoobiya ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u sheegtay inay qaadi doonto tallaabooyin ay ku difaacayso dalkeeda, iyadoo Eritrea ku eedeysay inay ciidamo u soo gudbisay gudaha waqooyiga Itoobiya, isla markaana ay qabsatay deegaanno ka tirsan gobolka Tigray.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timothewos, ayaa warqad uu u diray Golaha Ammaanka ku saleeyay mowqifka dowladda Itoobiya Qodobka 51-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay, kaas oo aqoonsanaya xaqa dalalku u leeyihiin isdifaacid marka uu dhaco weerar hubeysan, balse warqadda laguma faahfaahin tallaabooyinka militari ee ay Itoobiya damacsan tahay inay qaaddo.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamada Eritrea ay gudaha dalkeeda u soo galeen masaafo gaareysa tobannaan kiiloomitir.

Dhanka kale, muuqaallo ay wakaaladda wararka ee Associated Press (AP) ka duubtay magaalada Adigrat, oo qiyaastii 25 kiiloomitir u jirta xadka Eritrea, ayaa muujinayay ciidamo iyo gaadiid militari oo Itoobiyaan ah oo magaalada soo gelaya.

Eritrea ayaa si adag u beenisay eedeymaha Itoobiya, iyadoo ku dooday in Addis Ababa ay isku dayayso inay marmarsiiyo u sameysato dagaal ay ku doonayso inay ku hesho marin madax-bannaan oo ay uga baxdo Badda Cas.

Dowladda Eritrea ayaa iyaduna Golaha Ammaanka ka codsatay inuu cambaareeyo Itoobiya, isla markaana qaado tallaabooyin looga hortagayo waxa ay ku tilmaantay damacyada dowladda Itoobiya.

Isweydaarsiga waraaqaha diblomaasiyadeed iyo dhaq-dhaqaaqyada milatari ee labada dal ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in khilaafkoodu isu beddelo iska horimaad hubeysan. Si kastaba ha ahaatee, sheegashooyinka ku saabsan halka ay ciidamada Eritrea gaareen iyo deegaannada la sheegay in la qabsaday weli si madax-bannaan looma wada xaqiijin.

Haddii xiisaddu isu beddesho dagaal toos ah, waxaa laga cabsi qabaa inuu saameyn ballaaran ku yeesho amniga Geeska Afrika, isla markaana uu sababo barakac hor leh, carqalad ku timaadda isu-socodka ganacsiga iyo isbeddel ku yimaadda xaaladda amni ee gobolka.

Soomaaliya, oo xiriir diblomaasiyadeed iyo mid amni la leh dalalka Itoobiya, Eritrea iyo Masar, ayaa sidoo kale wajahaysa xaalad gobolka ka dhalan karta oo saameyn ku yeelan karta xiriirkeeda dibadda iyo qorshayaasheeda amni.

Xiisadda sii kordheysa ayaa si gaar ah u saameynaysa gobolka, iyadoo indhaha lagu hayo tallaabooyinka xiga ee labada dowladood iyo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu dejin karo xaaladda.