U bood dhigaalka

Mareykanka oo Itoobiya iyo Eritrea Ugu Baaqay Ixtiraamka Madax-bannaanida Dalalka Gobolka

Oktoobar 15, 2026

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa ku baaqay in dalalka Geeska Afrika ay ixtiraamaan madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka deriska ah, isla markaana ay ka fogaadaan tallaabooyinka xuduudaha looga gudbayo ee sii hurin kara colaadaha gobolka.

Rubio ayaa hadalkan sheegay intii uu khadka taleefanka kula hadlayay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen arrimo la xiriira xaaladda gobolka iyo xiriirka labada dal.

Sida lagu sheegay warbixinta rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Rubio ayaa carrabka ku adkeeyay in dhammaan dalalka Geeska Afrika ay waajib ku tahay inay dhowraan madax-bannaanida iyo xuduudaha dalalka deriska la ah, waxa uuna sidoo kale ka digay in gobolka uusan u dulqaadan karin colaado hor leh.

Wadahadalkan ayaa imanaya xilli ay jiraan walaacyo la xiriira xiisadaha ka dhex aloosan Itoobiya iyo Eritrea, kuwaas oo hore heshiis nabadeed u kala saxiixday sannadkii 2018-kii, kaddib muddo dheer oo ay labada dal colaad iyo is-aaminaad la’aan ka dhex jirtay.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa wada-hadalka ku tilmaamay mid miro-dhal ah, isaga oo sheegay in labada dhinac ay ka arrinsadeen qodobo muhiim ah oo khuseeya xiriirka laba geesoodka ah, arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Abiy ayaa sidoo kale xusay in wada-hadalku muujinayo sida ay labada dal uga go’an tahay inay xiriirkooda muddada dheer jiray u beddelaan iskaashi istaraatiiji ah oo wax-ku-ool ah.

Mareykanka ayaa hadalladan ku muujiyay muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka gobolka lagu xalliyo hab diblomaasiyadeed, iyadoo la dhowrayo madax-bannaanida dalalka iyo xasilloonida Geeska Afrika.