U bood dhigaalka

Guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Galmudug oo xilka la wareegay

Oktoobar 19, 2026

Guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Galmudug ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay, munaasabad ka dhacday xarunta Golaha ee magaalada Dhuusamareeb.

Munaasabadda xil-wareejinta oo qabsoontay 19-ka Oktoobar 2026 ayaa waxaa ka qeyb galay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudanayaasha Golaha Wakiillada Galmudug, wasiirro ka tirsan dowladda Galmudug, maamulka iyo hawlwadeennada Baarlamaanka iyo marti-sharaf kale.

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Galmudug, Xuseen Maxamed Nuur, ayaa u mahadceliyay guddoonkii hore ee Golaha, isaga oo ku ammaanay shaqadii iyo dadaalkii ay qabteen muddadii ay xilka hayeen.

Waxa uu sidoo kale mahadnaq u jeediyay masuuliyiintii iyo marti-sharaftii ka soo qeyb gashay munaasabadda xil-wareejinta.

Guddoomiyaha cusub ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda howlaha Golaha, xoojinta wada-shaqeynta iyo gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee Golaha Wakiillada Galmudug.

Xil-wareejintan ayaa timid kaddib markii la doortay guddoon cusub oo hoggaamin doona Golaha Wakiillada Galmudug, kaas oo mas’uul ka noqon doona hagidda howlaha sharci-dejinta iyo gudashada waajibaadka Golaha.