U bood dhigaalka

Maxkamadda Sare oo ansixisay natiijada doorashada Golaha Wakiillada Hirshabeelle

Oktoobar 19, 2026

Muqdisho, 19-ka Oktoobar 2026 – Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixisay natiijada doorashada Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, kaddib markii uu Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha u gudbiyay natiijada doorashada.

Ansixinta Maxkamadda Sare ayaa timid kaddib gudbinta rasmiga ah ee natiijada doorashada Golaha Wakiillada Hirshabeelle, iyadoo Maxkamaddu ay go’aamisay ansixinta natiijada loo soo gudbiyay.

Doorashada Golaha Wakiillada Hirshabeelle ayaa qayb ka ah geeddi-socodka dhismaha hay’adaha dowlad-goboleedka, kuwaas oo door muhiim ah ku leh matalaadda bulshada iyo howlaha sharci-dejinta ee maamulka Hirshabeelle.