U bood dhigaalka

7 Kursi Oo Lagu Doortay Baraawe, Akhriso Yaa Ku Soo Baxay?

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Baraawe ee caasimadda maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa maanta lagu doortay lix  kursi,  kuwaas oo ka tirsan golaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya.

: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#062 ayaa waxaa kusoo baxay musharrax xildhibaan Aweys Maxamed Cumar, kaas oo 80 cod kaga guuleystay musharrax Abuukar Maxamuud Macalim, kaas oo helay 20 cod, halka uu 1 cod uu halaabay codadkii Ergada.

2: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#151 ayaa waxaa kusoo baxday musharrax xildhibaan Nuuracayn Khaliif shekh Abuu, taas oo 90 cod kaga guulaysatay musharrax xildhibaan Faaduma Sheekh Abuukar, oo heshay 8 cod, halka 2 ay halaabeen cadadkii.

3: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#195 ayaa waxaa kusoo baxay musharrax xildhibaan Maxamed Xasan Maxamed (Murjaan), kaas oo 82 cod kaga guulaystay musharrax Nuur Cali  Nuur, kaas oo 19 ka  helay guud ahaan codadkii Ergadu ay dhiibatay.

4: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#187 ayaa waxaa kusoo baxay musharrax xildhibaan Dr Cali Saciid Faqi, kaas oo 80 cod kaga guuleystay musharrax xildhibaan Nuur Cumar Aadan, oo 16 cod ka helay guud ahaan codadkii Ergadu ay dhiibatay.

5:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#057 ayaa waxaa kusoo baxay musharrax xildhibaan Mukhtaar Axmed Xasan, kaas oo 87 cod kaga guulaystay musharrax Xildhibaan Iidle Ibraahim Nuur oo helay 7-cod, halka 1-cod uu  Halaabay codadkii la dhiibatay.

6:Kursiga tirsigiisu yahay HOP# 194 ayaa waxaa kusoo baxay musharrax xildhibaan Xamsa Siciid Xamsa, kaas 87 cod kaga guuleystay musharrax xildhibaan Qasaali Fiqi Abuu uu heley 12-cod ka helay guud ahaan codadkii Ergadu ay dhiibatay.

Kuraasta maanta lagu doortay magaalo Xeebeedka Baraawe ee caasimadda mamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya  ayaa waxaa ay kamid noqonayaan xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlaamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya, kaas oo doorashadiisu marayso maalmihii ugu dambayey,25-ka ayaa ah maalintii gabagada loo asteeyey.

Goobjoog News