U bood dhigaalka

Akhriso: Maxaa Looga Hadlay Kulankii Golaha Shacabka Ee Moddo Xileedkiisu Dhammaaday

Sheeko:Baarlamaanka
Golaha Shacabka waqtigiisu dhamaaday ee BFS Ayaa Maanta Yeeshay Kulankooda Caadiga ee Uu Shir Guddominaayey Guddomiye Ku Xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cawad Cabdalla
Ajendaha Kulanka Ayaa Ahaa
1.Akh1aad ee saddexda Heshiis ee kala ah Qaramada Madoobay, Midowga Afrika 146 iyo Carabta 145 ee la dagaalanka iyo ka hortagga Musuqmaasuqa
2.Akh2aad ee Hay’addaha aan Dawliga Ahayn (NGO)
3.Akh 2aad H/Sh Qaxootiga.
Mudanayasha Golaha Ayaa Ansixiyey Heshiiska Qaramada Midoobe waxana Ogol U Codeysey 146 Mudane
Wax Diiday Iyo Wax Ka Aamusay Majirin
Halka Heshiisyada Midowga Afrika Iyo Carabta ee La Dagaalanka Musuq Maasuqana Aya Ansixiyen Islamarkana Cod U Qaaday 145 Mudane Labo Mudanw Ayaa Diiday Hal Mudane Ayaana Ka Aamusay.
Dhanka Kale Mudanayaasha Ayaa Akhrinta Labaad Marsiyey Hindise Sharciyeedka Qaxootiga
Iyadoo Dib Loo Dhigay Hindise Sharciyeedka Hay’adaha Aan Dowliga ahayn ee (NOGO-ska)
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Iyo Arrimaha Garsoorka XFS Abdulkadir Mohamed Nur(Jaamac) Ayaa Ansixinta Kadib U Mahadceliyey Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Goobjoog News