U bood dhigaalka

Akhriso: Taariikh Nololeedka Dr. Yuusuf Hiraabe oo u Geeriyoodey Covid 19

Abriil 24, 2020

Waxaan maanta magaalada Muqdisho Covid 19 ugu geeriyoodey  Dr. Yusuf Axmed Hiraabe oo si aad ah looga yaqaanno magaaada.

Haddaba, Halkan Ka Akhriso Taariikhdiisa oo Kooban:

Dr. Yusuf Axmed Hiraabe, waxaa uu ku dhashay Xamar sanadkii 1958-ddii.

Waxaa uu waxbarashada hoose/ dhexe ka dhameeyey Xamar Jabab halka sare uu ka dhigtay  Howl-wadaag: 1979-kii.

Jaamacadda waxaa uu dhigtay umadda, gaar ahaan kuliyadda Luqadaha(Carabi, Ingiriis) 1989-kii.

Dhanka kale, 1993-95: waxaa uu dhiganayey Machad Kharduum ee dowli ah, waxaa uu Master ka sameeyey Carabi,.

Dr. Yusuf Axmed Hiraabe, waxaa uu 2012-dii PHD oo dhanka waxbarashada ah ka qaatey Jaamacadda Niileyn, ee Suudaan.

Shaqo:

  1. Somali Marine: Maamulka ka tirsanaa
  2. New Afrika, Kormeere
  3. Samafalka: 1998-99. Shabeelooyinka iyo Hiiraan.
  4. 2006-2011: Jaamacadda Niileyn.
  5. 2012: 4 sano, madax ka ahaa Daar Al-Xikma.

Waxaa uu sidoo kale uu ka tirsanaa kooxda Saaciduun Bil Xaq.

Gooboog News