U bood dhigaalka

Akhriso: Wax Walba oo Ku Saabsan Cayaarta Galabta ee Jubbaland iyo Puntland

Kooxda difaacanaysa tartanka dowlad goboleedyada ee Jubbaland ayaa galabta waxaa ay kulan xiiso leh Tartanka dowlad goboleedyada  waxaa ay wajaheysaa Puntland, waxaa uuna ka dhacayaa garoonka Ingineer Yariisow ee magaalada Muqdisho.

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa kulankii ugu dambeeyey waxa ay guuldarro 1-0 ah kasoo gaartay dhiggooda Koonfur Galbeed, halka Puntland uu yahay kulankoodii ugu horreeyey ee tartankan, Jubbaland ayaana haddii galabta laga adkaado ay isaga hari doontaa tartanka Maamul goboleedyada.

Jubbaland oo tartankan xafidanaysa ayaa u baahan inay galabta guul ka gaarto Puntland si ay ugu sii jirto tartanka Maamul goboleedyada, halka Puntland ay dhankeeda u baahan tahay inay dhibicdii ugu horreysay ka hesho tartankan.

Puntland waxay kulankeeda labaad sugeysaa inay madaxa geliso Koonfur galbeed, waxaana galabta la arki karaa Jubbaland oo gabi ahaanba tartanka isaga hareysa haddii ay guuldarro ka soo wajahdo Puntland.

Natiijada ciyaartan kala soco goobjoog.

Mawduucyada:Jubaland