U bood dhigaalka

Fatahaadda Wabiyada Jubba iyo Shabeelle oo Isgaaray iyo Barakac Xoog leh oo Socda

Wararka ayaa sheegaya in webiyada Jubba iyo Shabeelle ay ku kulmeen qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha hoose, taas oo dhalisay in dad badan ay isaga barakacaan deegaanno nabad ahaa.

Duleedka magaalada Kismaayo gaar ahaan deegaanka Buuloguduud waxaa soo gaaray Qoysas kasoo barakacay deegaannada la dariska ah Wabi Jubba, gaar ahaan Kamsuuma, Jamaaame iyo deegannada ku xeeran ee gobollada Jubbada hoose iyo Jubbada dhexe oo Wabigu ku fatahaadaha

Deegaanada kale ee webiga dartii looga barakacay waxaa ka mid ah; Mugaanboow,Fagaan, Mano-muufo,buulosaaq, qumaney-rooble,booriiri, makalaangoow iyo kuwa kale oo hoostaga Jamaame iyo Kamsuuma.

Deegaanka Buuloguduud oo ahaa halkii ay degeen barakacayaashii ee soo haleelay dhinaca Kismaayo ayaa markale daadad soo gaaray deegaanka uga guuraya, waxaana ay u jiheysteen Kismaayo, iyaga oo baadi goobaya goob ay kaga nabad galaan fatahaadda Wabiga Jubba.

Barkacayaasha kuwii aan soo haleelin Kismaayo oo wadadu ku xirantay ayaa ku go’doonsan burgaan oo ah tag ka sareeya Jamaame, halkaas oo ay kaga gabanayaan biyaha xadiga leh ee Wabiga Jubba, xaaladda Jubbooyinka waa ay sii adkaanaysaa, kadib go’doonkii ka jiray Gedo.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo ay wehelinayeen madaxda hay’adaha Qaramada Midoobay, hey’adaha gudaha ayaa booqday deegaannada hoos yimaada magaalada Kismaayo kuwaas oo ay soo gaareen dadka kasoo barakacay Fatahaadda.

Barakacayaasha waxaa gaaray xoogaa gargaar ah, taas oo aan wax badan ka tari kari xaaladda jirta, Jubbaland waxaa la oran karaa si iskumid ah ayuu u saameeyay Wabiga Jubba, waxaana aad looga deyrinayaa sii socoshada daadadka, xilli laga cabsi qabo jubbaland iney go’doonto.
Digniinu waa ay sii soconayaan fatahadda wabiyada Jubba iyo Shabeelle waa kuwa isgaaray, dad badan ayaa barakacay oo u baahan gargaar, daadadku waa kuwa dheeraad ah marka la eego sida ay wax u socdaan, Gedo kadib Jubbooyinku halis ayey ugu jiraan iney go’doomaan.