U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Xariigjray Dhismaha Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland

Sheeko:Caafimaadka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam , ayaa xarigga ka jaray dhismaha xarunta cusub ee Wasaaradda Caafimaadka dowlad-goboleedka Jubbaland oo loo dhisay qaab-casri ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in hirgelinta xarunta cusub wasaaradda ay ku soo aadday xilli muhiim ah oo gobolka ay ka socdaan dadaallada wax ka qabashada cudurrada ka dhasha daadadka iyo fatahaadaha biyaha ee la xariira caafimaadka

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Wasaaradaha Caafimaadka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed in heegan ay galaan, si looga hortago cudurrada faafa ee ka dhasha biyaha wasakhaysan, isla markaana ay ka yeeshaan qorshe cad.

Madaxda Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo uu Ra’iisul Wasaaruhu kulan la qaatay, ayaa soo bandhigay qorsheyaashooda la xiriira wax ka qabashada saameynta roobabka daadadka wata iyo adeegyada kala duwan ee ay wasaaraddu siiso bulshada ku nool deegaannada Jubbaland.