U bood dhigaalka

Gargaarkii Ugu Horeeyay Ee Dowladeed oo Maanta Gaaraya Gobolka Gedo oo Fatahaad ay Ku Dhufatay

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqday in maanta gargaarkii ugu horreeyay ay u dirayso gobolka Gedo oo siweyn roobabka iyo fatahaadaha ay ugu yeesheen, taas oo ay dheertahay in dadka ay ka barakaceen magaalooyin dhowr ah oo fataahdu ku dhufatay oo wajahaya xaalad daran.


Agaasimaha Xarunta Qaran ee Gurmadka deg degga ah (National Emergency Operations Centre NEOC), ee qaybta ka ah hay’adda SODMA Xasan Cabdulqaadir CIise ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay in maanta ay magaalada Dooloow gaarsiin doonaan diyaaraddii ugu horreeysay ee sidda shixnad gargaar.


Agaasimaha ayaa sheegay in doomo lagu daabulo raashiinka la geyn doono magaalooyinka Baardheere, Luuq iyo Dooloow, isagoo intaa ku daray in ay ka fekerayaan in deeqaha halkaasi la geeyo kor looga soo daadiyo dadka halkaasi ku dhibaataysan, waxaana uu tilmaamay in ay wax badan ka tarayso xaaladda.


Agaasimaha ayaa xusay in 720,000 (todoba boqol iyo labaatan kun) oo qof oo ku kala nool maamul goboleedyada Jubbaland, Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ay saameeysay fatahaaddu, iyadoo ay ku barakaceen dad gaaraya 300,000 qof, halka daka ku geeriyoodayna ay gaarayaan 21 qof.


Wuxuu ku baaqay Agaasimuhu in dadka haatan ku waxyeelloobay ay u badan yihiin dadkii ka dhega adaygay farriimaha ku saabsan waxyeellada ELNINO, wuxuuna mar kale uu ku celiyay in dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed ay qaataan talooyinka iyo tilmaamaha hay’adda maareynta musiibooyinka SODMA.