U bood dhigaalka

AMISOM Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaantay La Wareegista Ammaanka Xarunta Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

AMISOM ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay wararka sheegaya in ay ciidamadooda kala wareegeen kuwa dowladda federaalka ah ammaanka guriga umadda(golaha shacabka).

Afhayeenka howl-galka Lt Colonel Wilson Rono oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa been-abuur ku sheegay wararkaasi.

“Dad badan ayaa na soo weydiiyay arrinkan, waxaa laga yaabaa in arrintan la xiriirinayaan wixii shalay dhacay, Laakin AMISOM shaqo kuma lahan arrimo siyaasadeed iyo mid amni toona”

Afhayeenka, waxaa uu sidoo kale sheegay in ay iska caadi tahay in ciidamadooda ay ilaaliyaan xarumaha dowladda “Waxaan ilaalinnaa xarumaha dowladda sida Baarlamaanka, Villa Somalia iyo meelo kale, taasi in ay keentay arrinkan cusub ayaa laga yaabaa.

Ciidamo cusub ayaa shalay la wareegay xarunta golaha shacabka, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari guddoomiyaha golaha shacabka ayaa ra’isul wasaare Xasan Kheyre ku eedeeyay in ciidamadiisa la wareegeen xarunta golaha  si loo carqaladeeyo shaqada aqalka.

Col. Rono, waxaa kale oo Goobjoog News u sheegay in Jawaari ka codsaday in AMISOM sidoo kale ilaaliso xarunta aqalka sare, taasina laga aqlabay.

Goobjoog News