U bood dhigaalka

Aqalka Sare Oo Fasax Galay, Arrimo Ay Ku Jirto Bariire Ayey Baarayaan, Waxaana La Ansixiyay…

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta fasax 13 maalin galay, fasaxa waxaa uu la xiriira ciidda Carafada.

Aqalka sare waxaa uu kulankiisa maanta ansixiyay Zakariye Saciid Cusmaan in uu ka mid noqdo guddiga xaduudaha, waxaa kale  oo guddiga ammaanka iyo arrimaha gudaha la faray in ay soo baaraan dhacdooyin ka dhacay gudaha dalka sida dhacdooyinkii Bariire, Jubbooyinka iyo dagaalka Xeraale.

Aqalka sare, kalfadhigan 2aad waxaa horyaallo sharciyo cusub iyo qaar horay golaha shacabka u ansixiyay, waxaana la filayaa in ay si dar-dar ku shaqeeyaan fasaxa kadib.

Goobjoog News