U bood dhigaalka

Aqalka Sare: Senatarada Koonfur Galbeed Ku Matala Oo Ka Hadlay Qaraxii Baydhabo, Aminga iyo Doorashada Madaxweynaha

Sheeko:Dalka

Senatarada Dowlada Federalka Soomaaliya ku-matala Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayagoo tixgelinaya xaladaha amni, siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaalaba, kulamo muddo u soo scodey ka dib, waxaa ay soo saareen qodobada soo socda:

  1. إنّا لله وإنّا إليهِ رَاجعُون، Senatarada waxaa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan dadkii ku geeriyoodey qaraxyadii 13kii Octoober 2018 ka dhacay Magaalada Baydhabo waxayna u rajeynayaan inta ku dhaawacantay inuu Alle si deg deg ah u boogo dhayo. Waxayna Xukuumadda Federaalka ugu baaqayaan in gargaar ku filan oo degdeg ah lala gaaro dadka ay dhibaatada soo gaartey.
  2. Amniga: Iyadoo Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay isu diyaarineyso Doorashada Madaxweynaha ayaa Senatorada waxaa ay ugu baaqayaan dhamaan shacabka, musharaxiinta iyo hay’adaha amnigaba inay xil gaar ah iska saaraan amniga guud ee KG gaar ahaan magaalo madaxda KM ee Baydhabo. Waxaan si gaar ah ugu digaynaa musharixiinta oo dhan in aaney ayaga iyo taageerayaashoodaba ku kicin wax liddi ku ah amniga iyo deganaanshaha guud ee deegaanka.
  3. Doorashada: Guddoonka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo waajib gaar ah ka saaran doorashada madaxweynaha waxaan kula dar-daarmeynaa inay guud ahaan doorashada u maamulaan si daahfurnaan leh isla-markaana hormuud ka noqdaan doorasho si xalaal ah u dhacda. Waxaana si gaar ah ugu baaqaynaa in la de-dejiyo magacaabista guddiga doorashada laguna qabto doorashada waqtigii loo qabtey.
  4. Fara-gelinta Doorashada: Senatorada waxaa ay ka digayaan cid kasta oo isku dayda inay faragelin ku sameyso doorashada Koonfur Galbeed, waana in dadka Koonfur Galbeed loo daayaa in ay doortaan cida ay masiirkooda ku aaminaayaan.

Gaba-gabadii waxaa ay Senatarada ugu baaqayaan shacabka Koonfur Galbeed inay ilaashadaan Midnimada, Nabadda iyo xasiloonida deegaanka iskana ilaaliyaan in ayaga aan loo adeegsan bur-burinta xasiloonida deegaan.

Goobjoog News