U bood dhigaalka

Akhriso: Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Golaha Aqalka Sare?

Maarso 13, 2023

Senatorrada golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah kulan ku leh xaruntooda magaalada Muqdisho.

Ajandaha kulanka ayaa ah:
1. Ansixinta Xubnaha Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

2. Akhrinta Kowaad ee Hindise Sharciyeedka Dhowrist Xogta.

3. Akhrinta Kowaad ee Hindise Sharciyeedka Socdaalka Soomaaliya.

4. Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada.

Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa meelmariyay dhowr Hindise Sharciyeed, kuwaas oo kasoo gudbay golaha shacabka Baarlamaanka Federalka.

Goobjoog News