U bood dhigaalka

Golaha Shacabka oo Dood Kayeeshay Fathaadaha, Una Yeeray Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo SoDMA

Kalfadhiga 4-aad kulankiisa labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS oo uu maanta shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), goobjoogna ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow ayaa si weyn looga dooday saameynta fatahaadaha iyo gurmadka socda.

Dooddan oo maalintii 2-aad ahayd ayaa waxaa ka hadlay in ka badan 50 xildhibaan oo golaha Shacabka ah, iyaga oo la isdul istaagay xaalada fatahaadaha ka jira dalka iyo khasaarihii ka dhashay, iyo qeybtinta warbixinta xisaab xirka sanad maaliyadeedka ku dhamaaday 31-ka Decembar 2022-ka iyo qeybinta qoondaha Miisaaniyadda 2024.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa si isku mid ah ugu dooday ugana qiirooday qoysaska Soomaaliyeed ee wax yeeladu ka so gaartay fatahaada iyo daadadka ka dhashay roobabkii ka da’ay gobolada dalka, waxayna xildhibaannadu soo jeediyeen in hay’adaha dowladda u xilsaaratay arrimaha samafalka iyo mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS loo yeero.


Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo gunnaanaday kulanka maanta ayaa waxaa uu ku soo gabagabeeyay in loo yeero Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka si wax looga weeydiiyo xaalada fataahaadaha ka jira dalka iyo halka ay wax marayaan, maadaama Xildhibaannada soo jeediyeen.