U bood dhigaalka

Mayor Naadiya oo Munaasabad Taageero Heerkeedu sareeyo loogu sameeyay caasimadda Muqdisho

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira heerarka kala duwan ayaa habeennimadii Axaddii Muqdisho uga qeybgalay munaasabad loogu guusha Naadiya C/risaaq Maxamed oo ku guulaysatay in ay noqoto Maayarka magaalada St. Louis Park ee dalka Maraykanka.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin kale duwan oo heer wasiirro iyo xildhibaanno isugu jiraan gaar ahaan Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene, Xildhibaan Cabdiraxmaan Xuseen Maxamed (Odawaa) iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Xildhibaan Sacdiya guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Shacabka BJFS oo munaasabadda ka hadashay ayaa sheegtay in Naadiya tusaale u tahay gabar kasta oo Soomaliyeed, waxaana ay ku baaqday in saaxadda siyaasadda dumarku ay siweyn kaga soo muuqdaan oo tartanka galaan.

“Guusha Naadiya waa guul dadka Soomaaliyeed u soo hoyatey gaar ahaan dumarka Qurba-joogta ah oo kaalimo Hormuudnimo ah uga jira siyaasadda wadamada ay ku dhaqan yihiin “ ayaa hadalladiisa ka mid ahaa wasiirka arrimaha gudaha federalka iyo dib-u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo dhankiisa ka hadlay guusha Naadiya Cabdirisaaq ayaa waxaa uu ku tilmaamay guul weyn oo ay gaartay gabar Soomaaliyeed, isaga hablaha Soomaaliyeed ugu baaqay in ay tusaale ka dhigtaan ”guusha ay gaartay waa mid weyn” .

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa ayaa isna munaasabadda ka sheegay in guusha Naadiya tahay guul dadka Soomaaliyeed,isagoona ugu hambalyeeyay dhammaan Haweenka Soomaaliyed” Kuraasta annaga aan ku fadhino waxaa ku fadhin jiray gabdho madax ah”.

Mawduucyada:Banaadir