U bood dhigaalka

Maxkamad Go’aan Kasoo Saartay Wiil ay Laba Reer Isku Heysteen

Sheeko:Caafimaadka

Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida ay go’aan ka gaartay kiiska Cumar Cali Axmed oo ay isku heysteen labo qoys oo Soomaaliyeed.

Kiiskan oo ahaa mid hadalheyn badan ayaa la xiriira Cumar oo ka mid ahaa dhallinyaro ku dhaawacantay qarax ka dhacay xerada Nacnaca xilli loo qorayay ku biirista Ciidanka Qaranka, taas oo keentay in si aad ah ugu ekaa ay midna ku dhintay halka midkale uusoo gaaray dhaawac, taas oo ugu damebyn horseeday in la isku qabsado cidda dhashay.

Is qabqabsi kadib, baaris ay sameeyeen CID-da iyo Maxkamadda Ciimada qalabka sida ayaa wiilkaan si rasmi ah ugu wareejisay reerka wiilkaan oo la cadeeyay inay dhaleen Reer Cali Axmed oo hore wiilkooda muddo uu ka maqnaa.
Maxkamadda Ciidamada ayaa caddeysay in Wiilkaan dhibanaha u ah Qarax Khawaarijtu u geysatay isaga iyo saaxiibadiis sannadkii 2022 uu yahay Cumar Cali Axmed sidaas ayaana loogu wareejiyey reerkiisa.

Go’aanka Maxkamadda ayaa yimid kadib in kabadan 3 Todobaad oo la sugayay natiijada Baaristii Dheecaanka hidda raaca (DNA), kaas oo loo diray dalka dibaddiisa si aad loogu soo xaqiijiyo, iyadoo ugu dambeyn lagu wada qancay.