U bood dhigaalka

Beledweyne: Ku Dhexganacsiga, Dukaameysiga iyo Dhexseexadka Biyaha Fatahaadda oo Nolosha Kamid Noqday

Sheeko:Ganacsiga

Maagaalada Baladweyne oo ah xarunta gobolka Hiiraan waxaa ay ka mid tahay goobaha ay sida aadka ah u saameeyeen fatahaadaha biyaha dhinacyada kala duwan ee nolosha.

Ganacsiga iyo goob lagu hoydo waa labada baahi ee ugu daran inkasta oo ay horay ujireen saameynno kale sida dallaggii oo baaba’ay iyo goobihii adeegga dadweyne oo xirmay sida Isbitaallada, goobaha waxbarasho IWM.

Dadka deegaanka ayaa bilaabay in kudhex ganacsadaan, ku dukaameystaan ama xataa dhexseexdaan biyaha, taasi oo ka dhigaysa nolol weji cusub ah oo u bilaabatay.

Dadka kuwii inta badan isaga barakacay magalada Baladweyne ayaa deegaansanaya Ceeljaale, halkaas oo dhankooda ay ku sugayaan gargaar kaga yimaada dowladda iyo hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, waxaana gaaray gargaarro aan baahitirin.


Magaalada Baladweyne gobolka Hiiraan ayaa ku jirta xaalad adag oo ka dhalatay saameynta fataahaadda wabiga Shabeelle uu ka sameeyay magaalada iyo inta badan gobolka Hiiraan, waxaana sidoo kale magalada ka jira sicirbarar dhanka qutulduruuriga ah.