U bood dhigaalka

Golaha Shacabka oo Warbixin La xiriira Fatahaadda Jubbalnd ka dhageysay Wasiirka Qorsheynta XFS

Wasiirka wasaaradda qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene oo maalmihii tagay socdaal ku tagay Jubbaland ayaa o khudbad uu maanta ka jeediyey xarunta golaha shacabaka uga warbixiyay deegaanadda jubbaland oo xaalad adag ay ka taagantahay iyo dhibaatadda ka taagan deegaanada webiga uu maro.

Beenebeene oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan golaha ayaa marka hore sharaxaad ka bixiyey xaaladda guud ee dalka iyo saameynta roobabka inta ay gaarsiisantahay ayaa sheegay in aan la qiyaasi karin saameynta ka dhalatay roobabka guga ee dalka ka da’ay, isaga oo si gaara uga warbixiyey socdaal uu ku magaaladda Kismaayo deegaanada ku xeeran oo si siman fatahaadda webi jubba u gaartay, meelaha qaarne dad ugu dhinteen.

Beene-beene wasiirka qorsheynta ayaa yiri “inta aan dadka u tageynay maydad biyaha wadaan ayaa meelaha qaar laga qabanayey oo ah meelihii biyaha go’doomiyeen oo ay ku dhinteen, halka inta soo hartay aysan heysan dhar, guryo iyo biyo nadiif ah”.

Maamulada sida saa’idka ah uu u saameyeen daadku ayuu ku sheegay Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle oo gobolada labada webi maraan, halka xaalka magaaladda Buula burte uu ku tilmaamy mid aan la qiyaasi karin oo boqolkiiba Sagaashan (90%) ay biyuhu xadigii saxda ahaa kor u dhaafeen, dabooleenne Afar ka mid ah 5 ceel-biyood oo magaaladdu laheyd.


Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay wasiirka Qorsheynta XFS Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-beene in ay u gurmadaan oo garabsiiyaan walaalahooda ay saameyseen fatahaadaha iyo daadka ka dhashay roobabka guga ee dalka ka da’ay.