U bood dhigaalka

Qodobbo Muhiim ah oo Looga Hadlay Kulanka Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Ku-xigeenka Erganga Qaramada Midoobay Ee Banii’aadannimada

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr. George Conway, oo sidoo kale ah Uqeybsamaha isku-duwidda Howlaha Bani’aadannimo ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray laba qodob oo kala ah taageerada hannaanka deyn cafinta kadib iyo gurmadka arrimaha fatahaadaha oo sanadkaan saameyn xoogan ku yeeshay bulshada Gobollada qaar ee Soomaaliya, xilli ay dhinteen 120 muwaadin.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhowaan la filayo in Soomaaliya ay ku guuleysato in laga cafiyo deymaha dhan Billions-ka, taas oo la filayo in lagu dhawaaqo 13 bishaan December, iyadoo Soomaaliya hore looga qaaday cunaqabateynta hubka.