U bood dhigaalka

Golaha Aqalka Sare oo Ansixiyay Sharciga Dhowrista Xogta

Sheeko:Dalka

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda ayaa maanta Meelmariyay Hindise Sharciyeedka Dhwrista Xogta, waxaana haa ugu codeeyay dhammaan sanataradii soo xaadiray kulanka.

Golaha ayaa hore usoo meel mariyay sharciyo dhowr ah, kuwaas oo kasoo gudbay golaha shacabka, iyadoo sharcigaan loo gudbin doono madaxweynaha dalka si uu saxiiso uu dhaqangal u noqdo sida sharciga ah.

Golaha aqalka sare ayaa dhowaan soo xiri doona Kalfadhiga golaha iyaga oo gali doona fasax, waxaana maalmihii dambe golaha ka gudbay shariyo ka yimid golaha shacabka Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.

Goobjoog News