Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta kula kulmay Magaalada New York, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Jaaliyadaha Qaran ee Dibadda iyo Arrimaha Afrika ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Shacbiga Aljeeriya, Ahmed Attaf, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo ballaarinta dhinacyada iskaashiga ee nacfi wadaagga leh.