1 daqiiqo Sheeko:Warar & Warbixino DFS oo dalka dib ugu soo celisay 147 oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Midowga Yurub iyo Hay’adda socdaalka dunida ee IOM ayaa dalka dib ugu soo celisay 147 muwaadin oo si tahriib ah ku tagay dalka Libya, waxaana laga soo badbaadiyey xabsiyo ay muddo dheer ku jireen iyo kooxo magafeyaal ah oo madax-furasho u heystay
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Diyaaraddii ugu horraysay oo ka duushay garoonka Dimishiq tan iyo markii uu is bedalku ka dhacay dalkaas Masuuliyiinta dowladda cusub ee Suuriya ayaa sheegay in diyaaraddii ugu horraysay oo maxalli ahi ay ka duubashay garoonka magaalada dimishiq tan iyo markii xukunka laga tuuray Bashaar Al-assad
2 daqiiqo Sheeko:TAARIIKH NOLOLEED Maxaa lagu xasuustaa Shiikh Muuse cadde ? Allaha u naxariistee waxaa dhowaan dalka Neterland ku geeriyooday Shiikh muuse Shiikh Nuur Shiikh Muuse Ibraahim (Shiikh cadde) oo ka mid ahaa culumada waaweyn ee Soomaaliyeed, islamarkaana muddo dheer ku howlanaa faafinta diinta Islaamka
1 daqiiqo Sheeko:Madaxweynaha 10-aad Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyeeyay geerida Shiikh Muuse cadde Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geerida, Alle ha u naxariistee, Sheekh Muuse Nuur “Sheekh Muuse Cadde” oo ka mid ah culimmada Soomaaliyeed.
3 daqiiqo Sheeko:Madaxweynaha 10-aad Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigey mashruuca casriga ah ee Gateway Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ka dhagax-dhigay mashruuca casriga ah ee Gateway Complex, kaas oo ay maalgelinayaan ganacsato Soomaaliyeed, qeyb weynna ka qaadan doonto horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo fursad siinta shirkadaha waaweyn ee caalamka ah si ay ugu soo dhiirradan maalgashiga dalkeenna.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Taliyihii ugu sarreeyay ciidanka ilaalada Nuclear-ka Ruushka oo ku dhintay qarax ka dhacay dalkaas Talihii ciidanka ilaalada Shucaaca Nuclear-ka iyo hubka kiimikada ah Lieutenant Jeneraal, Igor Kirillov ayaa ku geeriyooday qarax mooto loo adeegsaday oo ka dhacay dhismo ku yaalla gobolka Ryazansky Prospekt, sida uu xaqiijiyay guddiga baaritaanka Ruushku.
2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Bashaar Al-assad oo faahfaahin ka bixiyay sidii uu uga baxsaday magaalada Dimishiq Madaxweynihii hore ee dalka Suuriya Bashaar Al-assad oo dhowaan isbahaysiga mucaaradku ay xukunka ka fara maroojiyeen, ayaa markii ugu horraysay ka hadlay sidii uu magaala madaxda Dimishiq uga baxsaday intii aanay xoogagga mucaaradku la wareegin.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Ruushka oo hubkii iyo saanaddii uu ka rartay Suuriya ku daabulaya dalka Libya Ka dib markii uu is badelku ka dhacay dalka Suuriya Ruushka ayaa billaabay inuu inuu la baxo saanadda ciidan ee u taalla saldhiggiisa ku yaalla magaalada Latikiya, halkaas oo sanado badan ay ka howlgalayeen ciidanka badda Ruushku.
2 daqiiqo Sheeko:War, Warar & Warbixino Maxaa iska badelay go’aankii dowladda Soomaaliya ee bixitaanka ciidanka Itoobiya ? Ka dib heshiiskii dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku gaareen magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa soo baxayay xogo kala duwan oo ku saabsan waxa laga yeelayo ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Afrika, kuwaas oo ay DFS horay u sheegtay inaysan dalka sii joogi doonin wixii ka dambeeya bishan December.
2 daqiiqo Sheeko:Warar & Warbixino Waa sidee xaaladda magaalada Ceerigaabo oo saacado ka hor shaqaaqo ay ka dhacday ? Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag waxaa maalmihii la soo dhaafay ka taagnayd xiisad u dhexaysay Soomaaliland iyo Khaatumo, taas oo dhawr gacan ka hadal isku badeshay, islamarkaana waxyeello dhimasho, dhaawac, iyo burburba leh horseeday.