Shir ay yeesheen taliyeyaasha Ciidamada dalalka qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay 30-kii Nofeembar, ilaa 4-tii Diseembar 2024, ayaa diiradda lagu saaray qorshaha hawlgalka Kala-guurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) oo ku eg 31 Diseember 2024 iyo howlgalka cusub ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM).