Golaha wasiirrada XFS oo magacaabay agaasimaha cusub ee hay’adda socdaalka iyo Jinsiyaddda
Sheeko:War
Golaha wasiirrada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xildhibaan Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow u magacaabay agaasimaha cusub ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dalka.
Qoraal kooban oo ka soo baxay golaha wasiirrada XFS ayaa lagu yiri “Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee magacaabista Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, in uu noqdo Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow”.
Xildhibaan Mustafe Sheekh Cali dhuxulow oo muddo dheer ka tirsanaa baarlamaanka dalka ayaa horay u soo noqday wasiirka warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya xilligii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh.