Muqdisho – 4 Oktoobar 2026: Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Jeneraal Khaalid), ayaa sheegay in dib loo hawlgeliyey Taliska Qaybta 26-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, oo qaabilsan Gobollada Waqooyi.
Taliyaha ayaa tallaabadan ku tilmaamay guul qaran oo taariikhi ah, kaddib muddo 35 sano ah oo taliskaasi aanu si buuxda u shaqayn.
Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa sheegay in dib-u-hawlgelinta Qaybta 26-aad ay qayb ka tahay dadaallada lagu dhammaystirayo dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo xoojinta cududda difaaca qaranka.
“Waa inoo guul qaran oo taariikhi ah in maanta, 35 sano kaddib, aan dib u hawlgelinnay Taliska Qaybta 26-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobollada Waqooyi.”
Sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Dhulka, tallaabadan ayaa sidoo kale muhiim u ah wadajirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, iyadoo qayb ka noqonaysa dhismaha hay’ad difaac oo qaran oo gudata waajibaadkeeda dastuuriga ah.
Dib-u-hawlgelinta Qaybta 26-aad ayaa ku soo beegmaysa xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo qorshayaal lagu xoojinayo qaab-dhismeedka iyo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo la doonayo in ciidamada qaranku ay si isku-dhafan uga hawlgalaan dhammaan gobollada dalka. Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa sidoo kale sanadkan si joogto ah uga qaybgalay howlaha dib-u-dhiska iyo tababarka ciidamada.
Qaybta 26-aad waxay taariikh ahaan kamid ahayd qaybaha muhiimka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka, waxaana dib-u-hawlgelinteeda lagu tilmaamay tallaabo lagu xoojinayo joogitaanka iyo qaab-dhismeedka hay’adaha difaaca qaranka ee Gobollada Waqooyi.