ISLAAMABAAD (Goobjoog News) — Meydadka saddex badmaax oo Pakistani ah oo lagu dilay dhacdadii markabka MT Honour 25, iyo afar badmaax oo kale oo dhaawacmay, ayaa maanta magaalada Addis Ababa looga qaaday Karachi.
Badmaaxiinta la dilay ayaa kala ah Rafi Ullah Khan, Syed Kashif Umer iyo Mahmood Ahmad Ansari.
Afarta dhaawacantay Usman Ghani, Aqeel Khan, Ameen bin Shams iyo Yasir Khan ayaa iyaguna la socday duulimaadka Ethiopian Airlines ee ET 694.
Safiirrada Pakistan u fadhiya Itoobiya iyo Jabuuti ayaa meydadka iyo dhaawacyada ka sagootiyey Addis Ababa. Dowladda Pakistan waxay sheegtay inay la shaqaynaysay mas’uuliyiinta ay khusayso si muwaadiniinteeda loogu celiyo Karachi loona siiyo daryeel caafimaad.
Markabka MT Honour 25, oo ku gooshayey calanka Palau, ayaa 21-kii Abriil laga afduubtay meel u dhow xeebaha Puntland. Ciidamada Badda Puntland ayaa 29-kii Sebteembar dib ula wareegay markabka, balse burcad-badeedda ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen shaqaalaha, iyagoo dilay shan qof oo ay ku jireen saddexda Pakistani-ga ah.
Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa qoys kasta oo ka mid ah saddexda badmaax u ballanqaaday 12.5 milyan oo rupees qiyaastii $44,000 iyo guri. Carruurta ay ka tageenna waxaa loo ballanqaaday waxbarasho iyo adeegyo caafimaad oo bilaash ah.
Dhacdadan ayaa mar kale muujisay khatarta ka dhalanaysa soo-noqoshada burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya.
Dowladda Pakistan ayaa sheegtay inay sii wadi doonto taageerada qoysaska dhibbanayaasha iyo daryeelka badmaaxiinta dhaawacmay.