2 daqiiqo Sheeko:Madaxweynaha 10-aad MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO BOOQDAY XARUMMAHA SHIDAALKA, KUMAANDOOSKA IYO ADEEGYADA CASRIGA AH EE DALKA AZEBAIJAN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday xarummo muhiim ah oo ku yaalla magaalada Baku ee caasimadda Azerbaijan, kuwaas oo iskugu jira xarummaha tamarta, difaaca, iyo hormarinta adeegyada dowliga ah.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Culumada Azhar oo ku baaqay in la taageero mowqifka Masar ee ku aaddan dib u dhiska Qasa Culumada Jaamacadda Al-azhar Al-Shariif oo kamid xurumaha diineed ee ugu waaweyn dunida Islaamka ayaa ku baaqay in la taageero mowqifka dowladda Masar ee ku aaddan dib u dhiska marinka Qasa.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Israa’iil iyo Xamaas oo qaaday tillaabooyin hoos u dhigaya cabsidii laga qabay burburka xabbad-joojinta Maamulka Israa’iil iyo ururka wax iska caabinta falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa qaaday tillaabooyin hoos u dhigaya walaacii laga qaday in xabbad-joojinta marinka Qasa ay burburto ka dib markii labada dhinacba is diideen fulinta qodobo ku jiray heshiiska.
1 daqiiqo Sheeko:GOLAHA WASIIRRADA SOOMAALIA 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐗𝐞𝐞𝐫-𝐍𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha Xukuumadda, kaas oo hagaya howlaha waaweyn ay xukuumaddu u hayso bulshada Soomaaliyeed,
1 daqiiqo Sheeko:La-dagaallanka Al-Shabaab CXDS iyo kuwa deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Xarardheere Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ayaa howl-galo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka wada dhulka miyigaa ah ee magaalada Jowle oo hoostagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
1 daqiiqo Sheeko:War Magaalada Boosaaso oo aas qaran loogu sameeyay saraakiil ku geeriyooday dagaalka Daacish Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa aas qaran loogu sameeyay laba sargaal oo ku geeriyooday dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda buuraleyda Calmiskaad ee gobolkaas.
2 daqiiqo Sheeko:Aragti Maxaad ka taqaannaa Taariikhda dalka Azerbaijan? Jamhuuriyadda Azerbaijan, waa dal laba qaaradle ah oo yaalla dhanka galbeedka ee qaaradda Aasiya iyo bariga Yurub, wuxuuna soohdin la leeyahay Armenia, Georgia, Iran, Russia, iyo Turkiga.
1 daqiiqo Sheeko:GARSOORKA DALKA Muxuu yahay gal-dacwadeedka layaabka leh ee ay qaadday maxkamadda degmada Waaberi ? Maxkamadda degmadda waaberi ee gobolka Benaadir ayaa dhowaan u fariisatay mid kamida gal-dacwadeedyadii ugu yaabka badnaa, kaas oo ku saabsan lamaane ku noolaa degmadaas
1 daqiiqo Sheeko:Madaxweynaha 10-aad Madaxweyne Xasan Shiikh muxuu ku tilmaamay xariirka iyo Iskaashiga Soomaaliya iyo Azerbaijan? Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh oo dhowaan booqashadii ugu horreysa ee Madaxweyne Soomaaliyeed ku tagey dalka Azerbaijan ayaa sheegay in labada dal ay yeelan doonaan iskaashi istiraatiiji ah oo guulo wax ku ool ah horseedi doona.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Xamaas oo ku baaqay in muslimiinta dunidu ay sameeyaan bannaanbaxyo looga soo horjeedo barakicinta dadka reer Qasa Ururka reer Falastiin ee Xamaas ayaa dhammaan dadka muslimiinta ah ee daafaha dunida ku kala nool ugu baaqday inay sameeyaan bannaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo qorshaha Mareykanka iyo Israa’iil ee lagu doonayo in Marinka Qasa dadka deggan looga barakiciyo.