Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey fahamka iyo taageerada ay siiyeen barnaamijka Kaarka Aqoonsiga Qaranka, isagoo tilmaamay in aqoonsigani uu muhiim u yahay dhammaan adeegyada dowladeed iyo kuwa bulshada.