Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay Munaasabadda lagu daahfurayay adeegga Xajka sanadka 1447/ 2026, islamarkaana lagu Xirayay xajkii sanadkii hore ee 1446, ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay hormar ballaaran ka sameysay hufnaanta adeegga xajka, isla markaana ay guul weyn u tahay Qaranka Soomaaliyeed in kaalimaha hore uu ka galay dalalka sida wanaagsan ugu adeegay dadkooda.