Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa asagoo aqalka cad warbaahinta kula hadlaya mar kale weerar afka ah ku qaaday Xildhibaan Ilhan Omar oo ka tirsan Kongareeska Mareykanka, asagoo sheegay in uu Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kala hadlay suuragalnimada in Ilhan Omar laga kexeeyo Mareykanka dibna loogu celiyo Soomaaliya.