Imaanshaha Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ee magaalada Muqdisho si uu uga qeyb-galo shirka wada-tashiga siyaasadeed ee ay ku baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa dhaliyay su’aalo siyaasadeed oo waaweyn, kuwaas oo la xiriira in tallaabadan ay ka dhigan tahay aqoonsi rasmi ah oo dowladdu siisay, ama inay tahay tanaasul siyaasadeed oo cadaadis ku yimid natiijadiis.