Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay sanad-dugsiyeedka 2025/26, isaga oo bogaadiyey macallimiinta Soomaaliyeed kaalinta ay ku leeyihiin xoojinta iyo horumarinta nidaamka waxbarashada dalka.