U bood dhigaalka

Baarlamaanka 10-aad Oo Maanta u Ballansan Kulankoodii Labaad

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka 10-aad ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa iney maanta yeeshaan kulankoodii Labaad ee kalfadhiga Koowaad ee baarlamaanka.

Kulankan ayaa ajendaha xubnaha horyaalla uu yahay Labo arrimood oo kala ah: magacaabista guddiga doorasho ee guddoonka baarlamaanka iyo dib u eegis  lagu sameynayo lacagaha mushrraxiinta guddoonka baarlamaanka, waana sida uu noo xaqiijiyay guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee Baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqorre.

Madasha Hoggaanka Qaran ayaa horey u qorsheysay in murashax walba oo u tartamaya guddoomiyaha baarlamaanka uu bixiya $15,000 (Shan iyo Tobon Kun oo dollar) halka Ku Xigeennadu ay bixinayaan $ 10,000 curraar ah oo aan dib loo celineyn, laguna shubayo xisaabta socota ee baarlamaanka ku leeyahay Bankiga dhexe.

Goobjoog News