U bood dhigaalka

Baarlamaanka Soomaaliya oo Wadashaqeyn Ka Dalbay Baarlamaanka Bah-Wadaagta Bariga Afrika

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa la kulmey guddoomiyaha baarlamaanka waddamada Bariga Afrika la’isku yiraahdo mudane Daniel F. Kidega, waxayna ka wadahadleen xiriir wada shaqeyn oo dhexmara labada Baarlamaan. Kulanka ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda halkaasi oo labada mas’uul ay ka wada qeybgaleen furitaanka baarlamaanka Uganda.

Kulankani ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay codsiga xubbinimada Soomaaliya ay u dirtey ururka bah-wadaagta Bariga Afrika kaasi oo aanan wali go’aan laga gaarin, islamarkaasina loo saarey guddi heer wasiiro ah oo kasoo baarandega.

Jawaari ayaa waxa sheegey in ay muhiim tahay in qadka wadahadalka labada dhinac uu markasta furnaado illaa inta Soomaaliya ay xubin buuxda ka noqoneyso.

Bah-wadaagta Bariga Afrika ayaa waxaa xubno ka ah waddamada Tanzania, Uganda, Rwanda, Burundi iyo Kenya, waxaana dhawaan codsaday Soomaaliya iyo Suudaanta Koonfureed, kuwaasi oo aanan wali laga ogolaanin.

Wararka qaarkood waxa ay sheegayaan in Soomaaliya ay leedahay fursad badan oo lagu aqbali karo, sababtuna ay tahay arrimaha ammaanka ee Soomaaliya ku saabsan, kuwaasi oo waddamadani ay aad u daneynayaan in xal loo helo, amnigoodana ku xiran.

Dalka Suudaanta Koonfureed ayaa laga muujiyey rajo xumo kadib markii ay dagaalo sokeeye ka dhaceen.

Ka mid noqoshada Soomaaliya ee bah-wadaagta Bariga Afrika ayaa waxa ay ka dhigantahay isdhexgal xagga ganacsiga, dadka iyo waliba iskaashi dhinacyo badan leh oo hadda waddamadani ka dhaxeeya, waxaana jira baasaboor ka wada dhexeeya.

Goobjoog News