U bood dhigaalka

Baydhabo: 2 Murashax Oo Maanta Khudbeyneysa, Roobow Waa La Reebay

Sheeko:Baarlamaanka

Sida ku qoran jadwalka doorashada koonfur galbeed ee Soomaaliya waxaa lagu wadaa maanta in ay khudbado jeediyaan ilaa 2 murashax.

Murashaxiinta khudbadaha ku qoran ayaa kala ah: Cabdi Casis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo  Sayid Axmed Sheekh Daahir, waxaa muuqato in Roobow tartanka laga reebay.

Shalay, guddiga doorashada koonfur galbeed oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Mukhtaar Roobow aanu u tartameyn doorashada madaxtinnimada koonfur galbeed ee 19-ka Bishan ka dhici-doonta magaalada Baydhabo.

Guddiga ayaa intaasi raaciyey in Roobow uu dhameystiray hab-raacii doorashada balse ay ku dheggantahay dowladda federaalka ah, isla markaana nin maqan aanu tartami karin.

Goobjoog News