U bood dhigaalka

Ciidamada Kenya iyo Al-shabab oo Ku Dagaalamay Jubbalada Hoose

Sheeko:Amniga

Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ee ku sugan Jubbalada hoose iyo Al-shabab ayaa ku dagaalamay duleedka degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose, sida lagu helayo wararka ka imaanayo.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamadaan oo ka baxay degmada ay wadada u galeen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabab, waxaana dhex maray dagaal xoogan, wolow aan si dhab ah loo ogeun kasaaraha dhab ah ee dagaalka.

Dadka deegaanka ayaa sheegayo in ciidamada dagaalka qabsaday ay samaynayeen howgallo amniga lagu xaqiijinayo, waxaana dhacday intii howlgalka uu socday ay dagaalamaan iyaga iyo ciidan ka tirsan Al-shabab.

Goobjoog News