U bood dhigaalka

Doorashada Aqalka Hoose Oo Ka Socota Magaalada Baydhabo

Sheeko:Baarlamaanka

Doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka socota magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed oo ay ku tartamayaan kuraasta qaar haween.

Seddex musharrax oo haween ah ayaa kursiga koowaad ku tartamay maanta oo kala ah

Xabiibo Maxamed Kheyr, Hani Maxamed Aadan iyo Muraayo Ibraahim Madeer waxaana codeynta kadib markii lagu dhawaaqay natiijada guddiga doorashada ay sheegeen inay guuleysatay Hani Maxamed Aadan oo heshay 26 Cod.

Qaabka ay codadka u kala heleen

  • Xabiibo Maxamed Kheyr 2 cod
  • Hani Maxamed Aadan 26 cod
  • Muraayo Ibraahim Madeer 23 cod

Kuraasta kale ayaa la filayaa in doorashadooda ay billaabato waxaana maanta la dooranayaa illaa lix kursi oo ah aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ee ka imaanaya Koonfur Galbeed.

Xubno ka socda beesha caalamka ayaa maanta korjoogta ka ah doorashada baarlamaanka aqalka hoose ee ka soconaysa magaalada Baydhabo.

Goobjoog News