U bood dhigaalka

Doorashada Baarlamaanka iyo Midda Aqalka Sare Oo Dib U Dhacday, Lana Ogeyn Xilli Ay Bilaaban Doonaan

Sheeko:Baarlamaanka

Doorashada Baarlamaanka ayey aheyd in maanta (24 September ) ka bilaabato caasimadda Muqdisho iyo caasimadaha maamul goboleedyada, goobaha codbixinta iyo sanaadiiqda ayey aheyd in ay yaallaan meelaha loogu talo-galay in ay doorashada ka dhacdo, Laakin taasi ma dhicin.

Dhinaca kale sida ku qoran jadwalka doorashada waxaa ay aheyd in berri oo ah 25-ka bisha ay dowlad goboleedyada soo gudbiyaan magacyada liiska u matalaya aqalka sare, taas oo sidoo kale aan dhici doonin, sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen guddiga doorashada dadban ee heer federal.

Dib u dhaca jadwalka doorashada 2016-ka markii 2aad ayaa imaanaya iyaddoo haatan ay Muqdisho uu shir uga socdo guddiga federaalka ah ee doorashada dadban iyo guddoomiyeyaasha guddiga doorashada dadban ee heer dowlad goboleed si loo soo saaro jadwal cusub oo doorasho.

Jadwalka Doorashada:

  1. Aqalaka sare 25 September
  2. Baarlamaanka 24 September – 10 October
  3. Dhaarinta Xildhibaannada 20 October
  4. Doorashada Guddoonka Baarlamaanka 25 October
  5. Doorashada Madaxweynahan 30 October

Goobjoog News