U bood dhigaalka

Faah faahin ka soo Baxaysa kulan 100 xildhibaan iyo Madaxweyne Xasan ku dhex maray Villa Hargeysa

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa 21 bishan kulan ku yeeshay xafiiska guddoomiyaha baarlaamaanka ee Villa hargeysa.

Kulankan oo ahaa codsi ka yimid xildhibaanadda iney madaxweynaha xog wareysi iyo su’aalo weydiin la yeeshaan ayaa waxaa ka qeyb galay illaa 100 xildhibaan oo 35 ka mid ah ay is qoreen si ay su’aalo u weydiiyaan madaxweynaha una warsadaan, waxaa fursad u heshay su’aalo weydiinta madaxweynaha illaa 15 xildhibaan, iyadoo uu kulanku socday muddo 5 saacadood ku siman.

Xildhibaan Cali Nuur Xuseen Boodaaye oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog New ayaa sheegay in Su’aasha ugu badneyd ee madaxweynaha la weydiiyay ay ahayd arrinkii xasaanadda xildhibaanada iyo inuu ammar siiyay saraakiisha ammaanka si xildhibaanada loo baaro, xasaanadda xildhibaanada lagu xad gudbo.

Madaxweynaha ayaa warbixin guud ka siiyay xildhibaanada xaallada uu dalku marayo, caqabadaha jira iyo meesha la hiigsanayo, waxa uu si cad ugu caddeeyay xubnaha xildhibaanda una sheegay in hadalkiisii 7 bishan uu ahaa tala soo jeedin oo kaliya iyo iney xildhibaanadu tusaale u noqdaan bulshada, laakiin aanuu awood u lahayn inuu jabiyo qodob dastuuri ah amarna aanuu ku bixin in xildhibaanada xasaanaddii dastuurku siiyay lagu xadgudbo.

Xildhibaan Cali Nuur Xuseen ayaa tilmaamay in uu madaxweynuhu xildhibaannada ka qanciyay waxyaabo farabadan oo mugdi ku jiray, waxaana lagu ballamay kulan kale oo dib la iskugu imanayo si xogo farabadan la isku weydaarsado, xildhibaanada harsanna su’aalahooda u weydiiyaan Madaxweynaha .