U bood dhigaalka

Gaas Oo Sagootiyey Xildhibaannada Labada Aqal Ee Lagu Soo Doortey Puntland

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal waxaa lagu qabtay munaasabad lagu sagootinayey xildhibaannada Labada aqal ee laga soo doortay deegaannada maamulka Puntland.

Munaasabaddan waxaa ka qeybgalay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo isaguna ah Senator aqalka sare, madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo mas’uuliyiin kale.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee Heer Puntland Khaliif Aw Cali oo ugu horreyn halkaasi hadal ka jeediyey wuxuu sheegay in si guul ah ay doorashada kusoo dhammaatay.

Wuxuu tilmaamay guddoomiyaha iney jireen kuraas badan oo dood ay ka jirtey, balse arrintaasi isku dayayeen iney wax walbo xalliyaan.

“Culeys badan baa iska jiray, marka doorasho jirta cid walbo waxbay rabtaa, hase ahaatee waxaan ku dadaaleynay oo kaliya in ay dhacdo doorasho dadka Kursiga leh ay raali ka noqdaan” ayuu yiri guddoomiyaha.

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo sina halkaasi ka hadlay ayaa kula dardaarmay xildhibaannada Labada aqal in si daacadi ku jirto ay ugu adeegaan bulshada ay matalaan.

“Waa la idiin aaminay, waxaa la idin ka rabaa inaad shacabka aad matashaan la shaqeysaan, waxaad matashaan Puntland, waa inaad dadka ka warhaysaan, mas’uuliyad culus baad qaaddeen, yeesan noqon mid la iloobo ammaanada shacabka, annaga idiinma dirsan xamar inaad tagtaan, haddii aadan Jimcaha inoo imaan karina bishii waa inaad mar timaadaan, Afar sano kadib waxaad beerateen ayaad guran doontaan” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Xildhibaannada Labada aqal ee Puntland ayaa tiradoodu waxay gaareysaa 48, waxaana lagu wadaa iney yimaadaan magaalada Muqdisho.

Goobjoog News