U bood dhigaalka

Galmudug Oo Soo Gabagabeynaysa Doorashada Kuraasteeda Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta oo Talaado ah lagu wadaa in magaalada Galkacyo lagu soo gabagabeeyo doorashada kuraasta golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.

Saddex kursi oo ka dhiman kuraasta galmudug ee baarlamaanka ayaa lagu wadaa in magaalada Galkacyo saacadaha soo socda ee maanta lagu doorto kuraastaas ayaan kala ah HOP#018, HOP#20 iyo HOP#021.

Kuraastaan oo lagu soo xirayo doorashada 37 kursi ee golaha shacabka Galmudug ay ku leedahaya ayaa waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaanada kala ah :-

HOP#018: Waxaa ku fadhiyay xildhibaan Qaasim Maxamed Jaamac

HOP#20: Waxaa ku fadhiyay xildhibaan Cali Maxamed Shariif

HOP#021: Waxaa ku fadhiyay xildhibaan Maryan Maxamed Geeddi

Galmudug ayaa lagu wadaa in ay noqoto dowlad gobaleedkii labaad ee soo gabagabeeyo doorashadiisa golaha shacabka kadib maamaulka Koonfur galbeed oo kuraastiisii ugu dambeysay doorashadooda hadda ay ka socoto magaalada Baydhabo.

Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 15 March ayaa loo asteeyay in guud ahaan lagu soo gabagabeeyo doroshada golaha shacabka.