U bood dhigaalka

Galmudug oo Weli Laga Maamuuso Siyaad Barre iyo Afgambigiisa

Dunida marka uu dhaco kacdoon isbadaldoon ah sidii 1991-dii, kuwa guuleystay ayaa qora taariikhda iyaga oo dhaqa aafooyinkii, tirtirana raadadkii xumaa, laakin taasi kama dhicin guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Galmudug, oo weli laga maamuuso Siyaad Barre iyo nidaamkiisa fajiistaha!

Mudug iyo Galgaduud waa labadii gobol ee ugu horreysay ee ku gadooda Siyaad Barre iyo regime-kiisa, hubna u qaata ka dib markii ay u adkeysan waayeen dhibka uu ku hayey sida dilka shacabka deegaanka, dhaca xoolaha, cunaqabateyn iyo weliba ciqaabo ay ku jireen inuu aaso ceelaha, sidaasi ay tahay 31 sano kadib ridistiisa waxaa Galmudug oo dowlad goboleed noqotay laga maamuusa Siyaad Barre iyo towrad kusheeggiisa!

Tusaale ahaan, qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka, oo ah qeyb magac bixinteeda astaan u ah afgambigii keligiitaliye Barre ee October 21, 1969-kii ayaa weli ka jirta Galmudg, iyada oo reer Galmudug aanay ku dhiirran in ay magac kale u bixiyaan, iskana badalaan si aan loogu noolaan xusuus madow, oo uurkutaallo ku shacabka halkaasi deggan.

In magac bixinta ay qiimo leedahay waxaa kuugu daliil ah, qeybta 27-aad ee xoogga dalka oo loogu magac daray xorriyaddii Djibouti waxaa ay ku taallaa Hiiraan, ciidamada Hiilwalaal ee reer Djibouti markii ay ka mid noqdeen AMISOM waxay tageen qeybtii loogu magac daray ee Hiiraan, iyaga oo ka barbar dagaalamo qeybta 27-aad ee xoogga dalka.

Halkan Ka Akhriso, Qeybaha Kale ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed:

Qeybta 26-aad ee xoogga dalka ee Hargeisa, waxay ku asteysaanyeen xorriyadii gobollada waqooyi ama Somaliland oo aheyd June 26, 1960.

Qeybta 54-aad ee xoogga dalka waxaa ay ka howlgashaa Puntland, waxayna astaan u tahay maamulkii Dhaakhliyada ee SYL oo markii ugu horeysay qabtay doorashooyinka May 1954-tii.

Qeybta 12-aad waa Banaadir, waxay astaan u tahay aasaaska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku beegan April 12, 1960.

Qeybta 60-aad ee xoogga dal waxay dhacdaa koonfur galbeed, dabcan waxay astaan u tahay xorriyaddii 1960-kii iyo midowgii labada dhinac.

Qeybta 43aad oo ku taalla Jubbaland, waxay astaan u tahay aasaaskii ururka gobannimodoonka ahaa ee SYL.

Shirkii nabadeynta ee Carte, Djibouti ee 2,000 ayaa ka mas’uul ahaa in jabhadihii xaqudirirka ahaa sida USC, SNM, SSDF iyo SPM la fogeeyey, laguna badalo saraakiishii garbaha u aheyd Siyaad Barre sida Cabdiqaasim Salaad iyo Cali Khaliif, tiiyoo dhashay in 22 sano kadib xiiligaas uu maanta Villa Somalia joogo Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka tirsan caruurtii kacaanka, taa badalkeeda waxaa jabhadii loo arkaa mooriyaan iyo magac kale oo xun.

Keliya ma aha Galmudug, ee weli caasimadda Muqdisho lama badalin goobihii uu Siyaad isugu isku magacaabay ama uu ugu magac daray xaasaskiisa, xeryo caruutiisa ama toward kusheeggiisa, taasi oo la joogo xilligii loo istaagi lahaa in isbadal lagu sameeyo.

W/Q: Cabdi Casiis Gurbiye